Degmada Dhanaan oo Ladaa laa Dhacaysa Biyo La,aan(warbixin)

Filed under: Wararkii Ugu Dambeeyay,Xulka Wararka |

biyo laanDegmada Dhanaan ee Gobalka Shabeele ayaa waxay ladaa laa dhacaysaa biyo la,aan baahsan taas oo ku habsatay mujtamaca ku dhaqan degmada Dhanaan oo iyadu dhaxal u heshay hormar la,aan dhanka biyaha ah.

Degmada Dhanaan waxaa caado ka ah in ay jilaal walba biyuhu gudhaan taas oo sababta in ay bulshadu qarka u saaranto in ay biyo la,aan u dhintaan halka duunayadii iyo ma yeedhankii kale meesha kabaxay.

Iyada oo hada lagu jiro xili jilaal ah ayaa waxaa naga soo gaadha Degmada Dhanaan in ay kajirto biyo la,aan baahsan taas oo samayn wayn ku yeelatay guud ahaan dadkii kudhaqanaa degmada.

Dhanaan oo ah Degmo facwayn ayanaan wali helin wax ka haqab tira dhanka biyaha caqabadana ma ah mid ugub ku ah bulshada ree Dhanaan ee ay dhabar jabisay biyo la,aantu.

Waxaa gudhay oo galoobay dhamaan ceelashii laga cabayay waxana sidoo kale ay biyuhu ka idlaadeen Baraagiihii ay duunyada iyo mayeedhaanku kacabi jiray waxaana kajrita Degmada Dhanaan xaalada adag oo ah dhanka nolasha aadamiga,

Waa xili jilaal kulul ah dhamaan ceelashii way gudheen wayna dhanoobeen biyana kama ag dhawa bulshada ree Dhnaan tani waa qayb kamid ah boog laxow badan oo kusoo noq noqotay bulshada Ree Dhanaan.

Hayada OWDA ee ka howlgasha deegaanka ayaa bilowday in ay biyo booyado oogu dhaamiso bulshada ku dhaqan Degmad Dhanaan taas oo anan ahayn mid kaafiyi karta baahida adag ee Dhanka biyaha ah ee kajirta Degmada.

Sar gaal katirsan Hayada OWDA oo lahadlay warbaahinta Danwaanews.com ayaa sheegay in ay booyado kasoo dhaamiyaan ceelka Koore oo qiyaastii 12 km u jira Degmada Dhanaan waxayna bulshada oogu adeegaan booyad qaada 20,000 oo litir ama 100 foosto.

Sargaalkan ayaa warbahinta Danwaanews.com u sheegay in ay geeyeen 3 da xaafadood ee ay ka koobantahay degmada Dhanaan Taanbuugyo biyaha loogu shubo xaafadaha halkaas oo ay xaafaduu ka dhaansadaan .

Waxaa sidoo kale la hadlay warbaahinta Danwaanews.com qaar kamid ah buslhada Ree Dhanaan ee kusugan degmada waxayna noo sheegeen in aysan ku filayn biyaha lagu keeno booyada waxayna codsi u dirayaan Dowalada DDSI in ay lasoo gaadho Gurmad deg deg ah.

Si kastaba ha ahaatee waxsaa looga fadhiyaa DDSI in ay talaabo wax ku ool ah ka qaado codsiga dad waynaha ee ku aadan arinta biyo la,aanta degmada Dhanaan ee joogtada noqotay.

Danwaanews.com

jigjiga

Shortlink:

Posted by on March 7, 2013. Filed under Wararkii Ugu Dambeeyay, Xulka Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Responses to Degmada Dhanaan oo Ladaa laa Dhacaysa Biyo La,aan(warbixin)

  1. aalaa ilahayoow dhanaan ugargaar odadkanaga kurbaha kasaar aaamiin

    ansax
    March 12, 2013 at 7:17 pm
    Reply

  2. Waad mahadsantihiin dhamaan bahda warbaahinta danwaanews.com gaar ahaan agaasinka ato dhanaane
    waxaan idinka codsanaynaa inaydaan qaylada iyo baraarujinta DDSI si ay u ogaadaan waxa kajira degmada dhanaan takale DDSI diyaar uma aha inay degmada dhanaan dhanka biyaha kahaqabtiraan maxaa yeelay haday dawladu diyaar utahay biyaha ujira 60km ayay usoo jiidi lahaayeen

    Ree dhanaan
    March 13, 2013 at 3:57 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>