Daawo:Waxgaradka Beesha Mohamed Zubeer oo Meesha Kasaaray Sheegashada Mohamuud Abdi iiley (+ Go’aan lagu Tageerayo Ahmed Ali Weeraar)

Filed under: Video,Wararkii Ugu Dambeeyay,Xulka Wararka |

000Waxaa maanta kadhacay magaalaada Garissa ee xarunta Gobalka waqooyi bari Kenya shir anan loo kalahadhin kaas oo ay beesha Ugaas-nuur u qabatay beesha Maxamed Zubeer si loo taageero looguna sheego qofka musharax ooga ah kursiga xildhibaanimada ee koonfuta Wajeer kaas oo loo soo sharaxa Ahmed Ali Werar oo isgu in muda ah siyaasada deeganka kudhaxjiray.

Kolankan oo ay soo qaban qaabiyeen goob joogna ay ka ahaayeen waxgaradka iyo cuqaasha beesha Ugaas-nuur ayaa waxaa lagu marti qaaday dhamaan qabiilada iyo jilibyada kaladuwan ee beesha Mohamed Zubeer ee kudhaqan wadanka Kenya si loo taageero codkana loo siiyo musharax xilidhibaanimada ee koofunta Wajeer Ahmed Ali Weerar.

Waxaa shirka hormuud ka ahaa Chearman-ka beesha Mohamed Zubeer ahna u qaabilsanaha dhanka siyaasada ahna isku duwaha ol olaha doorashada ee lagu Taageerayo Ahmed Ali Weerar Nabad-doon Aden Yusuf Sagaar ayaa madasha shirka ka aqriyay dhanbaal warqad ah kaas oo ay kusaxiixnaayeen dhamaan cuqaasha iyo wax garadka beesha Ugaas-nuur .

 
Nabadood  Aden Yusuf ayaa kunux nuuxsaday in ay Ugaas-nuur mid yihiin kuna midaysan yihiin in latageero codkana lasiiyo Musharaxa utagan xubinta baarlamaanka ee koonfuta Wajeer mudane Ahmed Ali Weerar.

 

Halkan kaadaawo Vido qeexaya halka uu wax marayo meeshana kasaaraya been abuurka iyo boro bagaandhada anan salka iyo raadka toona lahayn tani waa qaybtii oogu danbaysay ee cadaynaysa go’aanka Mohamed Zubeer iyo ka Ugaas-nuur meeshana kasaaraya Mahamuud Abdi iilay dadka ku andacoonya ku tidhbi kuteenta waa kuwan ugaasyadii reerka

Waxaa sidoo kale shirka ka hadlay Ugaas-ka beesha Ugaask Khaliif Abdi Budul oo isna ku xeel dheeraaday ahmiyada ay leedahay isku xidhnaan shaha buslhada dhaxdeeda isaga oo kadigay in ay kala gaynta iyo tafaaruqu yahay mid anan dan u ahayn dal iyo dadtoona waxa uuna meesha kasaaray in aysan jirin dhicina doonina in ay beesha uu matalo ee uu taladeeda hayo aysan kala qaybsanaan doonin waxa uuna yidhi”hadii aad maqlayseen Ugaas-nuur waa uu kala qaybsan yahay Maxamed Zubeerow waa kan ugaas-nuur waa mid waxaan kumidaysanahay in aad nagu tageertaan musharaxa aan soo xulanay ee aan anagu wadano kaas oo ah Ahmed Ali Werar”.

Madasha shirka oo ay fadhiyeen boqolaal ergo oo ka kala socotay qabiilada kaladuwan ee ay ka koobantahay beelwaynta Mohamed Zubeer ayaa waxaa halmar is qabsaday sacabka iyo ala laaska taas oo si aad ah loogu soo dhaweeyay hadalka Ugaas-ka goobta oo ay fadhiyeen gadhcas faraban oo cuqaal iyo garaadyo ay kujiraan ayaa waxaa halmar kor looqaaday musharax Ahmed Ali Werar waxaana loo astaameeyay in uu yahay qofka matalaya beesha Ugaas-nuur.

 

 

Waxaa sidoo kale kamid ahaa U gaasyada iyo Cuqaasha codkooda ku taageertay murasharax Ahmed Ali Weerar ugaasyadan Hoos ku qoarn

1 :Chearmanka Mohamed Zubeer Adan Yusuf Sagaar.

2:khaliif Ali sonkor Suldaanka Beesha Mohamed Zubeer

3: Sonkor Abdi Yusuf suldaanka beesha Adan kayr

4:Mohamed Adan Qasay suladaanka beesha Ree Cali Wanaag.

5:Ali iIbrahim Sheikh Abdi liibaan   Suldaanka beesha ree Amaadin

6: Nabaddoon Khaliif Yusuf (Guuleed khalaf)

7:Nabaddoon Mahamuud Xaashi (Shishoore)

8:Aden Dhay Xaaji Shafad suldaanka beesha ree Caamir qani

9:Omar Huseen Colhaye suldaanka Beesha Samatar Khalaf

10: Mohamed Ahmed Goombe shishoore

11:Ugaaska Beesha Ugaas-nuur Adan shaale cali

12: Nabaddoon Mohamed Ahmed Raabi

13:Nabadoon Abdi Magan ree Warfaa

14: Nbadoon Shiekh Dayib Ree issaaq

Danwaanews.com

Garissa-Kenya

Shortlink:

Posted by on February 7, 2013. Filed under Video, Wararkii Ugu Dambeeyay, Xulka Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Responses to Daawo:Waxgaradka Beesha Mohamed Zubeer oo Meesha Kasaaray Sheegashada Mohamuud Abdi iiley (+ Go’aan lagu Tageerayo Ahmed Ali Weeraar)

  1. Walahi bahda danwaa wad mahad santihin waa muqaal dhab ah oo mesha kasaraya shegashada ina ilay hadan nahay bahwayn mz we will fllow aou elders and we will vote 4 ahmed ali weerar viva mz and juu weerar

    Oogle
    February 8, 2013 at 5:42 am
    Reply

  2. Man shaa Allaah wa Arin farxadleh waana soo dhaweyneynaa wana garan ganahey ko aanka beesha. Maxamed suber iyo beesha ugas nuur

    Rashid Abdi ibrahim
    February 8, 2013 at 6:38 am
    Reply

  3. Wa Rashid Abdi ibrahim

    Rashid Abdi ibrahim
    February 8, 2013 at 6:40 am
    Reply

  4. walaalayaan beenta aad dadka kula wareegaysaan ka daaya webseeska danwaa runta ayaa lagu yaqaanaye mahadsanidiin

    abdi wadani
    February 9, 2013 at 9:20 am
    Reply

  5. waa sax in maqal iyo muuqaal la istusaa lkn waxaa meesha ku jira away ragii metelaayay beelihii kale ee MAXAMED ZUBEER meesha xaa uun kahadlay waa reer ugaas nuurkii oo keliya ma aragno cid beel kale oo maxamed zubeer ah afkeeda ku hadlaaya marka weli wacado sheekadu

    tan kale waxaa jira shir kale oo beesha maxamed zubeer ku qabatay Habaas Wayn oo odayaasha maxamed zubeer kahadlayaan oo ina cabdile ileen lagu qaadaayo marka maladhihi karaa kaas ayaad moodaa in maxamed zubeer wataan shirkaana ugaas nuur uu ukeli yahay 2 shaqsi waa isugu keen mid lkn aan aragno wax loo dhan yahay ama loo ekaysiin karo
    kan kale fursada Maxamed Zubeerna yaa ladhuminin ee hala dhowro

    Danwaa
    February 9, 2013 at 11:44 am
    Reply

  6. Insha alaah. Mashqul wuu guley sani.

    Owliy0
    February 9, 2013 at 11:52 am
    Reply

  7. asc sxb danwaa waad kumadahasantahay aragtidaada qeexan waxaan filyaa in aan bahda danwaa ooga fadhino muqaalka beesha maxamed zubeer iyo wax garadkooda oo hadlaya lakiin waxaa ay ceeb dhici hadii ay soo galiyaan wax garadkii mahamed subeer oo hadlayaa ee talo keen hadii ay kenaan cadaymaha beesha mohamed zubeer oo hadlaya oo muqaal ah soo in aan wada raacno kulam qumana

    maxmauud
    February 10, 2013 at 8:00 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>