Gobalka waqooyi Bari iyo u diyaar Garowga Doorashooyinka.

Filed under: Wararkii Ugu Dambeeyay,Xulka Wararka |

doorashoIyada oo ay doorashada madaxtinimada ee wadanka Kenya ka hadhay mud aad u yar ayaa waxaa wadanka guud ahaan ka laga dareemayaa udiryaar garowga doorashada iyo ol olaha oo maalinba maalinta danbe sii kululaanaya.

Udiyaar garowgan doorashada madaxtinmida min heer dagmo ilaa heer gobal ayaa waxay tahay mid ay aad kulushahay loolanka iyo hardanka ka dhaxeeya Axzaabta iyo ururada u halgamaya sidii ay ku hanan lahayeen kuraasta min heer madaxwayne ilaa heer degmo.

Ururdada  is gaashaan buursaday aya waxay kujiraan talabao kaste oo ay dadka ooga dhaadhicnayaan hadafka iyo ajandayaasha ay la imaan doonaan hadii ay ku guulaystaan xilalka ay ku hamiyayaan.

Musharaxiinta ayaa isticmaalaya weedho macaan iyo hadal kaste oo uu ku qan cin karo dadka kuna soo jiidan karo dhagaha bulshada si uu ooga iibiyo aragtidiisa iyo himiladiis xukun doon.

Marka laga tago dadka Gobalka oo ilbaxnimo dheer uleeh hadalada afmiinshaaraynta iyo beer laxwaysiga ay ku dhawaaqaan dadka u sharaxan kuraasta iyo balan darada ay sameeyaan marka ay kuguulasytaan  xilika ayaa waxaad mooda doorashadan sanadkan in ay tahay doorasho anaan horay u soo marin wadanka Kenya taas oo ah in uu wadanku hataan uu galayo mar xalad cusub oo kabadalan maraaxishii hore.

Dowlada Kenya kahor dastuurkii dhawaan la ansixiyay ma aysan ahayn mid ku dhaqanta Gobalaysiga lakiiin hada waxay kudhaqmaysaa Gobalaysi min heer deegaan illa heer fadaraal taas oo sababtay in uu kaco dareenka dad waynaha.

Ruclo oradka iyo suxul duubka qabaailada kudhaqan wadanka kenay waa mid bananka usoo baxay khaastan gobalka Waqooyi Bari Kenya oo ay xarun u tahay Magaalada Garissa.

Qabaa ilada soomaliyeed ayaa waxay u wada tafaxaydanyaan sidii ay oogu guulaysan lahayeen kuraasta cusub ee anan horay ooga jiray wadanka Kenay kuwaas oo uu kamid ayahay Seneterka iyo Governer-ka kuwasoo ah kuraas cusub hada loo tar tami doono wana kuwa oogu heer kulul dhanka siyaasda ol olaha doorashad wadanka Kenya.

Gulufka iyo hardanka adag ee kadhaxeeya musharaxiinta iyo Axzaabta ayaa waxa uu hada soo gaadhay heerkii oogu adkaa kaas oo laga dheehan karo dhamaan wadanka qaybihiisa kala duwan.

Magaalada Garissa ee xarunta Gobalka Waqooyi bari Kenya waa mesh ubucda u ah ol olaha Iyo u diraar Garowga doorshooyinka waxaana meel walba lagu dhajiyay sawriada musharaxiinta iyada oo ay taageerayasha murasharxinta wadooyinka ku dhawaaqayaan al faado ay ku muujinyaan taageerada ay u hayaan musharaxooda .

Tani waa qayb kamid ah ol olaha doorashada ee kucusub magalada Garissa Gawaadhi lagu soo rikibay sameecado waa wayn kuwaas oo habeen iyo maalinba ay kasoo baxayaan suugaan  gabayo geerayo isug jira waxana intabadan sanadkan dadku ol olaha ku galayaan ciyaaraha Dhaantada ee laga isticmaalo kilika 5 aad ee soomalida Ethiopia .

Sawaxanka iyo buuqa kasoo yeedhaya dadka tageerayasha ah ayaa waxay galiyeen magaalada jawi cusub iyada oo ay dadku badankood u soobaxayaan wadooyinka ,lulayaana astaamaha Axzaabta iyo sawirada musharaxa ay tagerayaan .

Waa dar dar hore iyo baal xooftayn farabadan jimad tuurashada iyo dhoolatuska musharaxiintuna waa tu ay banaanka u soo dhigayaan si ay awoodooda u tusaan mushaaxa iyo Xizbiga kale ee ay hardamyaan .

War jiraba cakaara ayuu imaan bal aan ka dhowr sugayno cida qaadataa calanka guusha iyo cida afka  ciigada loogalsho .

Abdirashiid Abdulahi Ahmed Dhanaane

Danwaanews.com

Garissa

 

Shortlink:

Posted by on January 29, 2013. Filed under Wararkii Ugu Dambeeyay, Xulka Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Responses to Gobalka waqooyi Bari iyo u diyaar Garowga Doorashooyinka.

  1. asc waxay ila tahay waariwaayad waxa ay dhigayaan dadka reer NFD maxaayeelay dalkoodu wuxuu kujiraa gacan cadaw oo gaalo ayay hoos tagaan taasna waad wada og tihiin ee beenbeentu so con maysee dalkiina iyo dad kiina udiyaar garooba sidii aad gumay siga ugadulqaadi lahaydeen

    garaad yusuf
    January 30, 2013 at 9:59 pm
    Reply

  2. Hayay waligod ha hardaman ani codkayga waxale mp mr. Adan bare duale

    Bishaar abdi(mr bookho)
    February 2, 2013 at 7:15 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>