Xaalad cakiran ayaa soo foodsaartay ardayda muslimiinta ah ee wax kabarta Jamacaadaha wadanka Ethiopia kadib markii ay jaamacad ku talaal Kililka Axmaarada oo lagu magacaabo Bahardaar ay kamam nuucday ardaydii muslimiinta ahaa ee dhiganayay dharka uu islaamku kulabisto sida khamiisyada iyo cumaadaha.
Aradayda ayaa u hogaansamay amarka jamacada waxayna in mudaha isticmaali jireen Uniformka Jaamacada iyaga oo filayay uun in ay arintan tahay mid khusaysay qaanuunka jamacada.
Wax yar kadib jamacadu waxay amar ku saartay gabadhihii muslimiinta ahaa in ay san xijaabka lasoo galin Jaamacada taas oo caqabad wayn ku noqotay gabdhihii musliminita ahaa ee wax kabaranayay jaamacada .
Arintan ayaa waxaa ka dhiidhiyay dadka muslimiinta ah ee kudhaqan Kililka Axmaarada waxayna arintan gaadhay meel sare waalidiintii iyo howl wadeenadii jamacada ayaa arintaas isku mariayay waxayna dantu ku qasabtay gabdhii muslimiinta ahaa in ay iskaga joogaan Jaamacada taas oo ay kadoor bideen in ay san xijaabka uu alle amray aysan u siibin amar kaga yimaaday mamaulka Jaamacada.
Dhowr bari kadib ayaa waxay jaamacadu soo rogtay qawaanin cusub oo ay kumam nuucayso in aysan ardayda muliminta ah salaad ku dhax tukan karin gudaha jaamacada iyo waliba xayndaab keeda taas oo ku qasabtay ardadii muslimiinta ahaa in ay banaan ka kore Teendhu ku dhistaan halkaas oo ay salaada ku ogaan kuna baryaan rabigood.
Maamulayaashii jaamacada ayaa wali cadaasi ku sii saray ardaydii waxayna ku amreen in aysan banaan u bixi karin wakhtiyada ay duruustu socota taas oo arinta cirka ku shareertay .
Arintan ayaa waxay gaadhay dhamaan ardayda musliimta ah ee wax kabarta jamaacadaha Ethiopia waxayna ardayda Musliminta ah ee wax kabarta Jaamacadaha Ethiopia bilaabeen in ay cuntada kasoomaan waxayna arintaas ku jiraa ilaa maalintii labaad oo ay ardayda mulimiinta ah ee wax kadhigta jamacadaha Ethiopia ay kasooman yihiin Cuntada.
Warbaahinta Ethiopia ayaa arinta wax kaqortay mar wax alga waydiiyay Masuulka sare ee jaamacada Bahardaar ee kililka Axmaarada sababta ay Ardayda Muslimiinta ooga joojinayaan salaada ayaa waxa uu kujawaabay saladu ma oksijiin(oxygen)baa?.
Ma aha markii oogu horaysay ee ay jaamacadaha Ethiopia ay ku dhaqaaqaan midab takoor diimeed waxana tan ka horaysay Jaamacada Adis-abab oo dhawaan arday soomaaliyeed oo gabdha ah ku amartay in ay xijaabka kasoo tagaan taas oo uu madaxwaynaha Doawlada Deegaanka Soomaalida EthiopiaAbdi Mohamud Omar uu ganafka u tuuray kuna wargaliyay gabdhihii soomaliyeed in ay iska soo xaadiriyaan Jaamacada Jigjiga kadibna ay jamacadii u fasaxday gabadhihii soomaliyeed in ay xijaabkoodii sii wataan.
Macado halak ay caga dhigan doonto arinta ardayda muslimiinta ah ee Jaamacadaha Ethiopia iyo maamulayaasha Jaamcadaha waxaana laga dhowr sugayaa in ay soo faragaliso Dowlada Dhexe Howshan.
Ahmed wali Shariif
Danwaanews.com
Jigjiga
xuuuqda qoraalkan waa ay Dhowrantahay
Shortlink:
Salaan sare bahda DanwaaNews iyo maamulkeedaba. Waad ku mahadsan tahay Ahmed Wali Shariif warbixintaadan ku saabsan
eedda aad u soo jeedisay maamulka Jaamacadda Bahardaar
inay ardada bulshada Islaamka ka soo jeedda si khaldan oo ka baxsan dastuurka DFI u yaalla ula dhaqmeen sida ku xusan warbixintaada.
Haddaba codsigaaga ah inay Dowladda Dhexe ee Fedraalka Itobiya wax ka qabato arrintan waa macquul.
Laakiinse, Caddeynta Xogtaas ma u haysaa? Haa haddii ay tahay hawraarsa, haddiise Maya tahay waxaan u qaadan karnaa inay tahay hadaaqii kooxaha mucaaradka ama Nabadiidka ahaa dacaayadahoodii mid ka mid ah.
FG: Dastuurka DFI waxaa ku cad qodobkan ah shakhsi walba oo Itoobiyaan ah inuu xaq u leeyahay ku dhaqanka diintiisa meelwalba uu joogo Muslimiin, Masiixiyiin ama Jewish wuxuu doonno ha ahaadee. Waana loo wada siman yahay oo shakhsi walba xor buu yahay inuu Ilaahiisa caabudo.
Cabdi Mula
Cabdi Mula
January 23, 2013 at 10:08 am