Beesha Mohamed Zubeer oo Maanta isku Raacday in uu Musharaxa u Yahay Axmed Ali Werar(warbixin muhiim ah)

Filed under: Wararkii Ugu Dambeeyay,Xulka Wararka |

weerarWaxaa maanta kadhacay magaalaada Garissa ee xarunta Gobalka waqooyi bari Kenya shir anan loo kalahadhin kaas oo ay beesha Ugaas-nuur u qabatay beesha Maxamed Zubeer si loo taageero looguna sheego qofka musharax ooga ah kursiga xildhibaanimada ee koonfuta Wajeer kaas oo loo soo sharaxa Ahmed Ali Werar oo isgu in muda ah siyaasada deeganka kudhaxjiray.

Kolankan oo ay soo qaban qaabiyeen goob joogna ay ka ahaayeen waxgaradka iyo cuqaasha beesha Ugaas-nuur ayaa waxaa lagu marti qaaday dhamaan qabiilada iyo jilibyada kaladuwan ee beesha Mohamed Zubeer ee kudhaqan wadanka Kenya si loo taageero codkana loo siiyo musharax xilidhibaanimada ee koofunta Wajeer Ahmed Ali Weerar.

Waxaa shirka hormuud ka ahaa Chearman-ka beesha Mohamed Zubeer ahna u qaabilsanaha dhanka siyaasada ahna isku duwaha ol olaha doorashada ee lagu Taageerayo Ahmed Ali Weerar Nabad-doon Aden Yusuf Sagaar ayaa madasha shirka ka aqriyay dhanbaal warqad ah kaas oo ay kusaxiixnaayeen dhamaan cuqaasha iyo wax garadka beesha Ugaas-nuur .

Nabadood  Aden Yusuf ayaa kunux nuuxsaday in ay Ugaas-nuur mid yihiin kuna midaysan yihiin in latageero codkana lasiiyo Musharaxa utagan xubinta baarlamaanka ee koonfuta Wajeer mudane Ahmed Ali Weerar.

Waxaa sidoo kale shirka ka hadlay Ugaas-ka beesha Ugaask Khaliif Abdi Budul oo isna ku xeel dheeraaday ahmiyada ay leedahay isku xidhnaan shaha buslhada dhaxdeeda isaga oo kadigay in ay kala gaynta iyo tafaaruqu yahay mid anan dan u ahayn dal iyo dadtoona waxa uuna meesha kasaaray in aysan jirin dhicina doonina in ay beesha uu matalo ee uu taladeeda hayo aysan kala qaybsanaan doonin waxa uuna yidhi”hadii aad maqlayseen Ugaas-nuur waa uu kala qaybsan yahay Maxamed Zubeerow waa kan ugaas-nuur waa mid waxaan kumidaysanahay in aad nagu tageertaan musharaxa aan soo xulanay ee aan anagu wadano kaas oo ah Ahmed Ali Werar”.

Madasha shirka oo ay fadhiyeen boqolaal ergo oo ka kala socotay qabiilada kaladuwan ee ay ka koobantahay beelwaynta Mohamed Zubeer ayaa waxaa halmar is qabsaday sacabka iyo ala laaska taas oo si aad ah loogu soo dhaweeyay hadalka Ugaas-ka goobta oo ay fadhiyeen gadhcas faraban oo cuqaal iyo garaadyo ay kujiraan ayaa waxaa halmar kor looqaaday musharax Ahmed Ali Werar waxaana loo astaameeyay in uu yahay qofka matalaya beesha Ugaas-nuur.

Waxaa goobta ka hadalay cuqaal faradab iyo saladiin ganacsato,siyaasiyiin,qaybaha kaladuwan ee bulshada ururada dhalinyarada ururada haweenka waxayna dhaman isla garwaaqsadeen in laqaato mudane Ahmed ALi Werar.

Gorfayna iyo faaqidaad kadib ayaa waxaa masraxa uu kulan ku kadhacayay kasoo hormuuqday musharaxa oo dhoola cadayna waxa uuna ksoo jeediyay shirka qubad dhinacyo badan taabanaysa  waxa uuna dadk u sheegay in Xisbiga uu u katirsan yahay isga oo dadka hortooda katusay warqada xubinimada Xisbiga ee looyaqaano Nomination Letter waxa uuna qeexay in uu matali doono Xibiga URP oo uu hogaaminayo Wilyam Ruuto oo u tartamaya madaxnimada wadanka Kenya.

Kulanka kadib ayaa waxaa maagalada Garisa halmar wadooyinkeeda qabsaday Boqolaal Gaadhi ah kuwaas oo lulayay astaanta Xisbiga iyo sawirka Musarax Ahmed Ali Werar waxayna farasmagaalaha  Garissa ku qabteen dadkii tagerayaasha ahaa mashxarado iyag oo soo bandhigay ciyaaro dhaqameed kaladuwan oo ay madax u tahay ciyaarta Dhaantada.

Guntii iyo gunaanadkii shirkii maanta kadhacay magalada Garissa ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan iyo isku raacid hal qof iyada oo hal ku dhag laga dhigtay One Way One person oo ah hal jid iyo hal qof.

Filo Goordhow vidio ay kujiraan khubadihii salantiinta Beesha Mohamed Zubeer insha allah.

Danwaanews.com

Garissa

Shortlink:

Posted by on January 20, 2013. Filed under Wararkii Ugu Dambeeyay, Xulka Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

13 Responses to Beesha Mohamed Zubeer oo Maanta isku Raacday in uu Musharaxa u Yahay Axmed Ali Werar(warbixin muhiim ah)

  1. waxan jeclaan lahaa sidaan filayo akhrista yaal badan iyo anigaba inaan u baahanahay aqoonya iyo waayo aragnimada walaalkeena musharaxa ah iyo tariikh nololeedkisa oo dhamaystiran balse waxaa hadhaa nimo ah inaad kusoo koobtaan waa musharax ree ugaasnuur taageero kaga doonayo walaalaha mzubeer.waa qaab canpein duug ah ee soo dhiga saxaafad ahaan waxa la idinka doona yaa newskaad hesheen inaad hab saxaafadeed usoo dhigtaan oo ah metelen soo xuurinta tacliinta,waayo aragnomada,kartida,xaas ahaan \,codkarnimada iyo da;a diisa waa tusaale uun balse hadaad usoo qortaan sidii xiligii warka ololaha zafanana express uu garissa keeni jiray ee habaswine waxaa la lahaa waad ka dhacsantihiin ee qormooyin aan ka dheregno naga siiya musharaxa.
    mahadsanidin.

    nuux deerow dacar
    January 21, 2013 at 10:13 am
    Reply

  2. Benta bulshada kadaya fadlan,mohamed zubeir iyo ugasnur kewa weyn?mohamed zubeir wiil ayu soqatay kalana sodexbaxay 6dhi qof ee kuluoltameyse kursiga ee musharaxnimo,tariqda markay ahayd 23/11/2012,lagasoqatay shirki kadacay magalada habasweyne ee kutala konfurta wajir ahna bartamaha ama mesha besha zubeir kubadhanyahay,shirkas oo daankasta oo iskaga imadhay qofwalba oo zubeir ah,laiskuna raacay hadhana lawadharacsanyahay,willkas oo ladaha mohamud abdi ali oo ahna mudhanaha lawaraacsanyahay ila iyo hataan,,,,
    Please stop spreading lies & propagandas,we have proof(real video),mohamud abdi ali(mudu) is the endorsed person by the larger mohamed zubeir!,stop dividing the family please!

    ina haji
    January 21, 2013 at 2:30 pm
    Reply

  3. waar beenta iyo propanganda dadka kaa daaya.. maa danile iyo wagaccusubnew baa noqdeyn kuwas unba been ku ogeen ee hadbaa mohamedzuber ninka oo isku raci waa waa muhaamud abdilley shirka odeyasha iyo chief ee ku qabteen habasweyn

    jiir
    January 21, 2013 at 7:58 pm
    Reply

  4. S.WR.WB. DHAMAAN,BAHDA DANWAA WAAD SALAAMANTIHIIN, WAADNA KUMAHADSANTIHIIN,SIDAAD NOOGA HAQABTIRTEEN,WAXAAN U BAAHNEYN.

    ISHII-BUKTAAAAY KUBIKAAACSO,ISHII-BUKTAAAY KUBIKAAAACSO.

    WAKAAS,DHAMAAN DADKII MIDOOBE OO ISWADA RAAC,WAR KAN HAREER MARAYOOW SOO RAAC,DADKAAGA DHIC KARAAC,MAX’D SUBEER TASHEY OO ISWADA RAAC,WAXAYNA ISKU RAACEEN AHMED ALI WEERAR,WAA MUDANAHA KALIYA EE SANADKAN AY BEESHU SOO SHARAXATEY,WAA NIN DHALINYARO AH OO AQOON YAHAN AH,OO KARTI IYO FIR-FIR COONAAN ALLE KU MANEYSTAY.

    NB. ninkii wax kale kumashquulsanoow,war-kaa lawaa lagumana oga

    wasalaamu c.wr.tacaalaa wabarakaatuhu.

    sheikh
    January 22, 2013 at 10:10 am
    Reply

  5. Asc, xildhibanku mayahay nin furfuran ,lalush anqaadanin,dadka ukala exanin oon kutakrifalaynin xilka hadii loodhiibo. Haday jawaabtu haa tahay waan garab istaagaynaaaa

    Yusuf carab
    January 22, 2013 at 3:27 pm
    Reply

  6. Wad salmntihino bahda danwanews,warkaneyto wan ku farhayna,ahmed ali mukhtar, in and out, waa laga tagarsanyahay.
    Waa the only mpga ay this year, isku racen,besha mohamed subber,anakana wan tagersanahy,ugasnurkana wa midko kali ah musharaxana waa ahmed werar.
    waad mahdsantihin,danwanew.
    by

    LEYLO
    January 23, 2013 at 10:14 am
    Reply

  7. S.A.WR,,,,,.ilahey haku guleyo, ahmed werar, waxaan karajeynaynaa,hadii ad guleysato in aad wax tar yeelato.kii dadkisa wax tara oodan noqon kuwii ka horeyey oo kale.

    .HIBO
    January 23, 2013 at 4:14 pm
    Reply

  8. Waxaan ku faraxsahay inuu ahmed werar noqdo musharax oo ay udhanyihiin beesh reer subeyr hadaan ahay aqoonyahan kasoo jeeda mohamed Zubeyr reer ugaas nor waxaan uula taaganahay taageero ah mid morally and materially

    Ismail ahmed daud
    January 24, 2013 at 11:26 am
    Reply

  9. ismaaciilow,waa sax hadal kaasi oo hadii aynu nahay maxamed subeer maanta hiil iyo hooba waxaan lagarab taaganahay reer u gaas nuur gaar ahan musharaxooda AHMED ALI MUKHTAAR.

    ciise
    January 25, 2013 at 8:28 am
    Reply

  10. Waa hagaag: waxaan oran lahaa musharaxa waa in latageeraa haduu yahay shaqsi aqoonyahan ah islamar ahaantaana diinta ku dhaqma balse waa inuu wataa magaca maxamed subeer not ugaas nuur. Thanks for those who are claiming that the candidate is from ugaas nuur are putting him introuble because it seems that he is going to represent that certain sub-clan so let us say he is from bahweynta subeer that means he is there for all mz tribe if he gets elected. Insha allah he is going to success hopping that mz will all be united for one common interest which is to support werar as the only candidate for wajir south. Thanks all by bixiyare.

    warfaa boy
    January 27, 2013 at 4:28 am
    Reply

  11. that’s thrue mr.warfaa not only ugasnur the candidate is for all m/suber.
    were the only candidate for m/suber in wajir south,we saport him.

    mr. AHMED ALI MUKHTAR.

    abdulah
    January 27, 2013 at 8:17 am
    Reply

  12. If we are mz we saying the only camdidate who we selected is mr ahmad ali werar i wan 2 tell that guy who tolkin about ina ilay fast of all ina abdi iley is kenyan sitizen or hes 4rom uk ?

    Oogle
    January 29, 2013 at 6:11 pm
    Reply

  13. Ugaasnuur waxaay xaq uleyihiin xilka MPka sanadkan. maxaa yelay ugaasnuur ma’aynan helin xilka hada kahor waxaayna yahiin familyaasha ugu badan MohamedZubeir. marka la’antoda maxamedzubir wax masortakalaayo. tankale dadka rabo margastabo inaay hilaan korsikan waxaay ubaahanyihin inaay soo cadeyaan waxay Maxamedzubirka kale kaka duwanyin xita hadii ladhaho faataxa qaata. Marka waxaan leeyahay war MohamedZubiiroow manta waa malintii Ugaasnuur hadii laka xaqiro mardambiyaanan laiskuku imaanin MP ayaan rabaa. W.C.W.W

    Yusuf
    February 18, 2013 at 5:06 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>