waxaan barnaamijkan ku faaqidaynaa tariikhdii dheerayd uu soo maray halgankii ay horseedka u ahayd jamhadii al-itixaad ama soomaligalbeed annga oo soo qadan doona xilyadii uu bilowday dagaalku iyo waliba dad goob joogayaal ka ahaa dagaladasi.
Qoramadan oo aan kulafaguri doono marxaladihii kaladuwanaa ee uu soomaray halkankii hubaysnaa ee ay jamhadu doonaysay in ku xorayso gobalka soomaligalbeed ayaa waxaan kaga hadli doonaa dhacdooyinkii oogu caansana ee dhacay xiliyadii uu hal ganku socday.
Waxaan sidoo kale isbar bar dhig doona waxyaabihii u qabsoomay jamhadii UWSLF tan iyo intii ay heshiiska nabadeed lagashay dowlada dhexe ee Ethiopia horanti sanadii 2010 kii.
Urur waynihii al-itixaad waxaa la aas aasay sanadii 1983 dii waxana lagu aas aasay xeryihii qaxootiga ee kajiray wadanka soomali kaas oo loga golahaa sidii loo ga xorayn lahaa gobalka soomali galbeed dowladii Ethiopia ee xiligaas gacanta kuhaysay.
Ururka aya waxaa majarahay u haya culimo awdiin aqoon dheer ulaha diinta islaamka waxa uuna hadfooda koobaad ahaa sidii ay ciida soomaligalbeed ooga xoraynlaaheen dowlada Ethiopia waxayna u soomareen marxalado adag.
Madaxdii sar sare ee ururka oo ubadnaa aqoonyahono rug cadaa ah ayaa waxay sifiican ooga dhisnayeen dhanka diinta islaamka waxayna ubadnaayeen mashaa ikh iyo culima awdiin cabsan hadafka salafiyada kaas oo ay kutalaleen dhamaan tageerayaashii ururkaasi.
Ururka ayaa waxa uu kubilaabay halgankiisa ol ole dacwo waxana uu dhakhso ka howlgalay xeryaha qaxootiga ee Somalia xiligaasi jiray issaga oo kasabaday quluubta kumaan kamid ahaa dadki kudhaqnaa gudaha wadanka soomalia waxayna culimadii xubanaha ka ahayd ururkasi bilaben muxaadarooyin iyo kitaabo ay kabilaabeen goobo badan oo kamid ah wadanka soomalia.
7 sano oo uu ururku dacwo iyo soo jiidasho kawada wadanka soomaalia ayaa waxa uu usoora gashay in uu hanto mujtamac farabadan waxa uuna aakhirkii u jahasytay in uu u huleelo gudaha wadanka Somalia iyaga oo dacwooyin iyo culuumta diinta fidintooda kubilabay.
Waxay ahayd horaantii1991 dii markii xukunka laga tuuray towladii hore ee Ethiopia taas oo sababtay in ay hagar la,an ah ugalaan wadanka soomaligalbeed cutubyo katirsan ciidamadii Al-itixaad iyo guutooyin kasocda maktabka dacwada kuwaas oo kabilaabay dacwooyin kaladuwan gudadaha wadanka soomaligalbeed.
Shabacka soomali galbeed oo u baahnaa dacwada una omana caqiidad saliim ka ah ee salafiyada ayaa si wanagasan u soo dhaweeyay maktabka dawcada ee ururkii al-itixad.
Uruka ayaa waxa uu kufiday dhamaan gobalada kaladuwan ee gobalka soomaligalbeed waxa uuna noqday ururki al-itixaad mid iska diiwaangaliyay dawladii kumeel gaadhka ahayd ee lagadhisay magalad aadis ababa jullay 1991 dii waxan shirkaasi lagu sixiixay axdi qarameed ay kuwada qanceen dhamaan shucubtii kasoo qayb gashay shirkaasi.
Uruka al-itixaad oo issagu lahaa awood dhanka ciidan ka ah ayaa waxa uu saldhig kulahaa goobta lagu magaacbo Halooye oo qadar yar ujirta Degmada dhanaan.
12/8/1991 dii ayaa ciidmaadii Ethiopia weerar ku e keeyeen saldhigaasi waxayna kudileen madaxdii ururka al-itxaad iyo waliba sarakiil lafdhabar u ahaa ururka al-itxiaad.
Dagalkii halooye waxa uu ahaa dagaal ay ciimada Ethiopia si kadis ah kuso weerareen ciidankii mujahidiintii al-tixaad xili ay tukan hayeen salada subax waxayn ciidamada weeraay ka soo kala baxeen magaloyinka qabri dahare,godey .
Dagaalkasi waxay ciidamda Ethiopia kudileen madaxii ururka al-itixaad al-shahiid sheikh abdulahi macalim Mohamed adan caroog (bade) iyo kuxigeenkiisii al-shahiid sheikh abdulahi sheikh ahmed macalim qaasim(abdulahi yare)iyo waliba culima badan oo uu kamid ahaa sheikh abdulahi Mohamed jamac xiirey.
Dagaalkaasi kadib ciidmadii al-tixaad waxay afaysteen maylinkoodii waxayna wacad kumareen in ay ka aargudan doonan ciidada Ethiopia waxayna wada galeen dagaalo lagu hoobtay kaas oo ay casharo lama iloobaan ah oogu dhigen ciimadii Ethiopia ee kusgnaa gobalka soomaligalbeed.
Dagaalkii waa uu socday wana la ismari wayay ciimadii Ethiopia waxay kaalmo iyo gurmad caalima ah kadalbadeen dowlada maraykanka iyada oo kudhawaaqday in ay ladagalamayso urur argagixisa ah .
Ciidmada al-tixaad ayaa laba jibaray weerarada ay kuhayaan ciidanka Ethiopia waxayna oogu soo dadan jireen dhufayyadooda waxana ciidanka Ethiopia loga dhartay in ay kor oga soobaxaan magaaloyinka taas oo ay markii danbe ciidmada al-itxad bilaabeen in ay musaska ooga soo haluushaan ciidamda Ethiopia ee kusgan magalooyinka.
Waa jamhad hubaysan wana garab rarato wana guura madage waxay habeen galan guuro dheer maalintii waxay gooyaan boqolaal mayl oo jaratooyin iyo buura isug jira galay iyo baxay ayaa ciidanka loogu heeseeyay waxaa meelkaste ka curtay dagaalka jihaadka.
Ciimada al-itxiaad al-islami ayaa waxay aaminsanayeen nafhurida iyo shahaado dalabka waxayna mar walba laabta kuhayeen in ay u shihiidan ciidooda diintooda iyo dadkooda.
Dowlada Ethiopia oo nafla caari noqotay ayaa waxaa uyimid gurmadkii ay dowlada maraykan ka kadalbatay kaas oo ay ciimada cirka ee maraykan ku kaduqeeyeen ciidmada al-tixaad ee kujiray dhulka hayjadaha ah halka lugta iyo afantariga lagu soo daa gureeyay gobalka soomaaligalbeed kumanaan kamandos ah oo katirsan ciidanka Ethiopia waxaa sidoo kale dhanka taangida iyo gaadidka dagaalka kaqayb qaatay ciidmada ereteria kuwaas oo weeraay dhufaysyadii ay ciidamadii al-tixaad kulahaayeen gobalka.
Ciidankii al-itixaad ayaa u xayday oo u huleelay in ay miciin bidaan dhulka buurlayda ah si uu u yaraado khasaraha ay gaadhsiin hayaan diyaaradaha dagalka ee maraynka waxayna baneeyeen dhufays badan oo kamid aha dhufaysadii ay ciimada al-itixaad kulahayeen gobalka soomaligalbeed.
Dagaal mudoo dheer socday kadib ururki UWSLF waxa uu garowsaday go,aana ku qaatay in uu nabad qaato hormar iyo nabad galyana ku hogaansho dadkiisa taas oo maanta laga helay midho aad uwacan.
Shacabka DDSI ayaa lugta lahelay tubtii iyo wadiiqadii hormarka waxayna haatan guranhayaan macaankii iyo midhiihii kadhashay heshiiskii ay qaateen ururadii nabad diidka ahaa ee horay shacbigooda u dhibi jiray.
Filo maqal iyo warbixino dheeraad ah oo aan kadiyaarinay barnaamijkan.
Waxaa isku soo dubada riday Radio danwaa
Waxanad si gadhagysan doontaan maqalada barnamijkan insha allaah webka www.danwaanews.com
Diyaarintii Bahda Radio Danwaa u adeegaha cadaalada iyo hormarka bulshada
Shortlink:
Ha hay muruga badana tarikhyaha qarkod
Mula axmad
August 12, 2012 at 9:11 pm
Bacdamaa uu ururkanitaarikhdii guracnayd kaqaatay nabad waxaa aniga ila quman in taarikh dani aysan mudnayn xusud.iyo xusuus toona
abdixukun ali dubad
August 13, 2012 at 1:04 am
fayaa ilaahii irxami shu haadaa halgankii soomali galbeed wax uu soo maryaba akhiirkii waxa uu gacanta u galay caloosooda u shaqaytayaal anaan kadanqanin dhiigii loo huray camalkii jihaadigaa ahaa kuwaas oo dhamaan sharaftii iyo karamaduu lahaa iibsaday alle ha ciqaabee nashaad iyo ibraahin dheere ayaa jeebahsa ku shubtay camalikii wayna iib geeyeen xataa agootii shuhadada way dayaceen aall waxaa
MOWLIID
August 13, 2012 at 5:21 am
halkagnii uwslf waxa uu ahaab maanta waa uu tagay dhiigii iyo dheecaankii loohurayna waxa uu noqday mid khasray waxa uuna sheegay ibrahim dheere in ay ragii kashihiiday uwslf ay kudhinteen xaqdaro oo aysan wadada saxda ah haynin fa inaa li laahi wa inna ilahi raajicuun walaala yaal ha nasoo xasuusinina hanad yadii iyo shuhadadii taariikhdoodii annaga oo og araamishii iyo aytaamtii ay katageen in ay ku daran yasan yihiin dunida dacaladeed ilahay waa mid xisaabiya aadamaha ciqaabtiisuna way kulushahay waxaan alle kabaryaynaa in uu ragga camalkii jeebasha ku shubtay uu cadaalada hor geeyo
mukhtaar yare
August 13, 2012 at 5:24 am
Anu waxan. Oran laha. Taariikhdaas laba dhinac midba waa laga eegi. Kara. Tan xaga. Diinta. Aha. Waxay dhalisay khilaaf iyo. Is qabqabsi bulshada dhaxdeeda aha on ognahay in. Culimo. Si bareer aha loogu laayay gudaha ogadenia ama. Somaligalbed. Sida deeganka bargun ee gobalka shabeele midina waa dhanka. Jihaadka iyo. In wax la iska dhiciyo. Tana iyadana waxa laga fiirin. Kara 2 dhinac. Taariikhdii hore. Ee uu kulaha. Mandhiqada ururka. Al itixaad. Wa. Mid xusid mudan laakin. Ta ubaahan in la iswaydiiyo ayaa. Aha. Maxay ku danbeesay hada. Heshiiskii ay qaaten ma la oran kara. Wax ayuu soo. Kordhiyay. Waxan. Oran. Karaa ururka. Meesha uu joogay iyo halka uu is dhigay. Aad ayay ukala dheertahay.
faraxnuur
August 13, 2012 at 6:44 am
ururkan al-itixaad suu ahaa iyo sida uu hada ku danbeeyay waa kaaf iyo kala dheere waxaan xasustaa muxadarooyinkii hortaan sagaashamadkii ay noogihayeen culimadii shahada qaatay iyo dhalintii dabka madaxa loogaliyay iyo halka ay manata ka raamsan hayaan xabsi iyo gaalo goormaan walalo noqonay sideebay ku aamineen in ay maanta hoos jogoaan waayono oo ay waliba unoqdaan ciidan waxaan wada ognahay dhalintii mujahidiinta ahay ee jihaadka naftooda u haraysay in lagu qasbay liyupolice oo ay manata shacabkooda layn hayaan marka wax faaiida ah malahaan horayna waxay dhibi jireen shacabkaiyoag oo jamhad ah hadana waxay dhibahayaan uun iyaga dabaqoodhi ah
faysal ahmed
August 13, 2012 at 9:23 am
Al=itaxaad waxaa lagu xusuustaa dhibaatooyin badan oo ay deeganka ka geysteen wakhti ay fikradan khaldan ay qaateen khaasatan hadaan ree dhanaan nahay deeganka dhib ayaan dheerayn ay uururkani noogeysteen mana doonayo dad badab oo xiligaa la agoomeeyey inaan xusuus murugo leh geliyo,haween badan oo asay loo xidhay inaan xanuunkii asayda xusuusiyo, tacadigii diinta kudhacdayma aha wax sahlanaa ee ay iyagu sababta u ahaayeen.
Hayeeshee waxaa wax aan waxba lagu doorsan ama xusuusan ah garwaaqsigii dhibka shacabka ee ay walaalada UWSLF garwaaqsadeen.waxaa shacabka wax walba kaga filaaday qudbadii qaaliga ahayd ee uu geesi ibraahim sheekh muxumed kasoo jeediyey hall ka ustaad sayid maxamed cabdille xasan,tasoo nuxurkeedu ahaa ‘intaasaa nooga filan dhibkii iyo dhiigii shacabka’sidaa daraaded haduu ururkuu sidan gartay maxaad booga badan oo la dhayey u garaacaysaan,masaaliix ma aha ayaa aragtidayda kusoo koobayaa.Umana jeedo inaan cid ku damqo ee waa sidaan aamin sanahay.
ugaasqabdiid
August 13, 2012 at 11:09 am
horta marka koobaad aad ayaan ugu mahad celin walaalka soqoray maqaalkan qiimaha badan markaan akhriyay afkaarta akhyaarta kolay waxaa fiican inaan qiimayso maxaad qaban karta ama maxaad qaban karta ururka uwslf 20 dagaal ah kadib inay heshiis galeen anu ceeb iyo danbi aykudhaceen uma arko sababto ah halwado waxaan soo haynay inka badan qarni dagaal ah oon natiijo lahayn laga so bilaabo shahiid axmed guray lagaso gaaro hatan oon joogno wali indhiig daadan natiijana lahayn marka khayr ala hasiiye walaaluhu arin fiican ayay qaateen haatan inaan ufikiro si kaduwan sidii hore oo ah inaan ka dhigno fikradeena tu kuwajahan muslimiinta ethiopia inaan dadka dhigno dalkana qabsano wana u arka inaan ku qaldanahay fikirka ah inaan gono oon muslimiinta wadanka kor uqaadno una jeedsano dhanka wax barashada iyo dhiska bulshada sababto ah dad aan waxba aqoon aduunka maanta waxba kama ah israa iil waxay aduunka kuhaysata wa aqoon ma ah badni iyo geesinimo dadkeena inta aqoonta leh waxa lagu tilmama %5 dadkaas goormu wadan noqon kara ama in laxamaasadeeyo oo lonoqdo ragii shahiiday waxaan u arka inay tahay fikrad aan natiijo lahayn
mujaahid uwslf
October 9, 2012 at 9:12 pm
hadadan hada waxyar kadhaho mujaahidiinta galay luyu polic ka waa been ninkii dhaha dadbay layaan ama dadbay dilaan haday qori wataan wayku qasban yihiin sababto ah waxaa jira dad aan rabin waxqabadka shabka inwax looqabtana tahay arin qaldan marka inay helaan ciidan u ilaaliya waxay dadkooda uqaban hayaan wayku qasban yihiin waxana jooga ragi ayka waayeen angaalada idinla dilee nadaaya oo iyaga oo gaalada kusijeeda rasaas dhabarka kaga bilaabay
mujaahid uwslf
October 9, 2012 at 9:16 pm
Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun ilaha ha u naxariisto dhammaan walaladeena ku geeriyoodey halgankii taariikhiga ah ee ay soo galeen ururka al-itixaat lana soo galeen dawlada ethiopia run ahaantii anigu waxaan ka mid ahay macaamiisha website danwaa kuwa ugu akhriska badan qomadani waxaa ay ku jiratay website mudo dheer laakinn maanta oo ah maalinta aan akhristay runtii waxaa iga soo da,day ilmo oo ka qubaty indhayga kadib markii aan arkay labadeyda wallaal ee ku geeriyoodey halgankan ee aan daaqin midhihii halganka waa shihiid sheekh cabdulahi sheekh macalin qaasim (cabdulahi yare )iyo walaaladeyda kale run ahaantii waxaan dhihi lahaa taariikhdan murugada badab in ala xuso ma haboonayn balse haddii ay lagama maarmaan noqotay waxaan ka eegaynaa labo dhinaca wwaa dhinaca koowaad maanta waxaa wax lagu farxo ah in uu halgankii noqdey mid midho dhal ah oo aaan maanta daaqeyn midha hiisa haddiio aan nahay shacabka ku nool dawalada deegaan soomaaliuada ethiopia dhinaca kale waxaa murugo inaan ku weynay carruurteenii , culimadeenii, wax qgaradkeenii lug weyna ay inaga godey haddaba maadaama oo ay taasio jirto waxaan dhihi lahaa website kan danwaa horta waad mahadsan tihiin soo diyaarintan qormadan taariikhiga ah balse waxaan leeyahay wallaalayaal ka saaara magacyada wallalaheena aan ku weynay halganka ee aan maanta ina daaqin midhahii halgankaas dheer ee la soogalay kuwa soo wadey danta dadkoodana ka fakaray qaadeyna nabada arintoodiina ku dhameeyey miiska waxaa leeyahay idinkuna taariikhada ayaa ina qoridoonta mahadasanidiin
Cabdiamahad Mohamed salsal
January 15, 2013 at 5:00 am
Inaa lilaahi wa inaa ilahyhi raajicuun samir iyo imaan alaah ha inaga siiyo walaaldeena ku shihiidey halgankii dheeraa ee ay sooo galeen ururka al-itixaat kaas oo noqdey mid midho dhal ah oo aan maanta daaqeyno midha taas waxaa run ahaantii anigu waxaan ahay macaamisha websiteka danwaanews oo ah dhawaan mid si hufan ugu adeega bulshada ilaa mudo dheer ayaan arkayey qormadanda oo ku jirata web ka waana diidi jiray in aan akhristo waayo waxaan filahayey sida maanta igu dhacadey in aan ka korodhsado murugo runtii markii aan akhristay qormadan waxaa ka soo da,ay indhayga ilmo markii aan arakay magaca wallaalkay shihiid sheekh cabdulahi sheekh axmed( cabdulahi yare) kuwa kale ee lamid ka ah ee ka geeriyoodey midhahii halganka taariikhiga ahaa haddaba labo dhinac markaan ka eegno taarikhadani waxaan dhikaraa waa dhinaca koowaada waxaa maanta farxad inoo ah in uu midho la taaban karo dhalay halgankii wallaladeen dhinaca labaad waa dhinaca naxdinta iyo murugadsa leh waxaa maanta wax laga naxo ah waa yitaanka aan weynay culimadeeni,caaqiladeeni,waxgaradkeenii iyo caruurta ku ogowmodey waana mida indhayga ka keenata ilmada qoyan haddaba sidaas darteed waxaan talo bixin ku siin ahayaa bahada websiteka danwaanews horta waad ku mahadsan tihiin xusuda taariikhada halganka taariikhiga ah aad ka diyaariseen laakiin waxaan dhihi lahaa wallaalyaal ka saara magacyadan shihiidyada aad meesha ku soo qorteen waxaa ay nagu abuurtay murugo iyo naxdin aad u diran
Cabdiamahad Mohamed salsal
January 15, 2013 at 5:19 am