Friday, August 29th, 2014

Dad Badan oo Soomaaliya Oo Ku Geeriyoodtay Dimishiq Suuriya, Go’doona Ku Ah Xaafadda Tall

Published on August 15, 2012 by   ·   No Comments

Qoys Soomaali ah oo 10 qof ka kooban oo madfac ku habsadey iyo  ganacsade caan ah oo weli meydikiisa bannaanka yaaley…

iyo 19-qoys oo weli ku go’doonsan hal xaafad oo madaafiic ku soo dhacayaan….

Wararka naga soo gaadhaya Dalka Suuriya ayaa sheegaya in lagu dilay halkaasi Soomaali Gaadhaysa 20 qof, sadex ka mid ah dadkaas ayaa lagu soo waramayaa in maydkoodii lagu arkay xaafadda la lagu magacaabo Tall oo ka mid ah xaafadaha Caasimada Suuriya raacsan kuna beegan dhinaca galbeedka.

Sadexda qof ee maydkooda lagu arkay wadada u dhaxaysa Tall iyo Xaafadda iyadana lagu magacaabo Xorna ayaa waxaa ka mid ah Marxuum caanka ka ahaa jaaliyadda Soomaalida ee dalka Suuriya isla markaana tukaan ku lahaa halkaasi waxaana laguna magacaabi jiray Abuubakar Soomow.

Sida uu xaqiijiyey Guddoomiyihii hore ee Jaaliyadda Suuriya C/ramaan Xadaana oo xidhiidho badan la sameeyey jaaliyadda Soomaalida haddana ku sugan London, ayaa waxa uu sheegay in wali maydkii Marxuun Abuukar Soomow uu yaalo goobtii ay rasaastu ku haleeshay oo aan wali la aasin isla markaana la diiday in meydkiisa la qaado goobta uu ku geeriyoodey oo ah ahayd jiida dagaalku ka socday mucaardka iyo dawladda ee xaafadda Tall.

Marxuunka Soomow ayaa rasaastu haleeshay isaga oo reerkiisa kala baxsanayey xaafada Tall oo todobaadkii ugu danbeeyey madaafiic nooc walba leh lala beegsanayey.

Soomaalida kale ee halkaasi ku geeriyootay ayaa waxaa ka mid ah reer ka kooban 10 qof oo madfac ku haleelay gurigoodii isla xaafadaas Tall oo iyagana maydadkoodii burburkii guriga ku dhex jiraan, dhaliyaro ayaa iyagana lagu soo waramayaa in ay madaafiic haleeleen guryihii ay ku jireen waxaana ka mid ah wiil dhalinyaro ah oo sida lagu soo waramayo magaciisa lagu sheegay C/qaadir oo isaguna xaafadaasi ku geeriyoodey, ninkan dhalinyaradda ah ayaa sida la xaqiijiyey isaga la aasay.

Waxaa isagana la xaqiijiyey in uu isla xaafaddaas ku geeriyoodey Marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar ahaa nin oday da’a ahaa oo isna uu faliidh madfac isaga oo meel maraya isla xaafadda Tall ka mid ah ku habsaday isagana waxaa la xaqiijiyey in la aasay.

Xaaladda qalafsan ee haatan ka taagan xaafadda Tall ayaa la sheegayaa in ay tahay mid madaafiic tiro badan lala beegsanayo xaafaddaasi iyada ay halkaasi ku sugan yihiin qoysas Soomaali ah oo lagu qiyaasay ilaa 19 qoys, una badan qaybta lagu magaacabo Xorna oo ahayd halka ay u badnaayeen Soomaalidu.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay haatan xaafadaasi ka jirto cunto yaraan baahansan iyada oo laga cabsi qabo qofkii ka badbaada madaafiicdaas ku hoobanaya halkaasi in aanu ka badbaadi karin baahita cunto ee ka jirtaa oo ayba gaajo ugu leedaan.

Soomaalida ku sugan dalka Suuriya ayaa qayladhaan laga soo sheegayaa iyaga oo ugu baaqaya dawlada Soomaaliya in ay arrintooda waxka qabato iyaga oo codsanay in loosoo gurmado.

Xukuumada Soomaaliyeed iyo Saafaradda Soomaalida ayaan ilaa hadda ka hadlin dadkan dhibaatadu ka soo gaadhay dagaalada sokeeye ee ka socda Dimishiq , iyada oo aan wax gurmad ah loofidin qosaska Soomaalida ee go’doonka ku ah xaafadda Tall ee ka duleedka Dimishiq.

Soomaalida ku dhaqanayd wadanka Suuriya oo gaadhaysay dhawr kun ayaa badankoodii haatan ka baxeen iyaga oo uga qaxay wadamada Turkiga iyo Masar , qaar badan oo kalena ay dib ugu noqdeen wadamada Qaaradaha Yurub iyo Ameerika oo ay hore ugu noolaan jireen.

Asad Caddaani Ibraahim asadlaska@hotmail.com

xigasho somalitalk

Nagala Soo Xidhiidh Email danwaanews9@gmail.com ama fallow us https://twitter.com/danwaaanews

Readers Comments (0)



Current day month ye@r *

wararkii hore

gubada sadex

Deg Deg:Dhulbahante oo Gabay Qiiro Badan Soo Saaray iyo Abwaan Hurre Dabayl oo Wacdaro Aanan Waligeed Dhicin Soo Bandhigay (Ga’gow Waa Gabay Cusub oo Dhamaan Gabayadii Hore Meel iska Dhigay )

August 10, 2014
  Abwaanka Rugcadaaga ah ee Abdi Huree Dabayl ayaa Nasoo Gaadhsiiyay Gabay Qiiro Badan oo Gabayadii Hore Meel iska ...
guba sadexaad

Deg Deg:Gabay Cuusb oo Hawada Soo Galay iyo Absame oo Wali Kudhagan Abwaan Abdirashiid Jamac Boos (Gabayga Gar-nayl iyo Abwaan Abdixakim Mohamed Haadi)

August 10, 2014
Waxaanu Halkan Idiinku Soo Bandhigaynaa Gabay Cuusb kaas oo uu tiriyay Abwaan Abdixakiim Mohamed Haadi(Shaacir) ayaa waxa uu ...
guaba 3

Kubiir oo Kaga Qayb Qaado Sugaanta Gubada Sadexaad Adiga oo Adeegsanaya Barta Facebook-ga (New Page)

August 9, 2014
Dhamaan Abwaanada iyo dadka xiiseeya suuganta waxaanu u soo jeedinaynaa qaab dhibyar oo ay kula socon karaan suuganta ...
GUBA

Dhagayso:Absame oo Sida Gantaalada Gabayo oogu Rushaynaya Dhulbahante iyo Gabay Dhulbahante Kala Diray (Wacadaro Suugaameed)

August 2, 2014
Waa Gabay Dhulka Ladhacaya Dhulbahante waana hubaal in ay Ka Gil Gilan doonaan Hadii ay Dhagaystaan waxaana Gabaygan ...
abwaan abdullahi sheikh farax

Dhagayso:Gabay Cusub oo Dhulka Ladhacay Abwaan Abdirashiid Jaamac Boos Helaalana Su’aalo Mucjisa ah Hordhigay (Abwaan Abdullahi Shiekh Farax iyo Gabayga Gabi Dumay Wacdaro Cuusub iyo Suugaantii oo Cirka isku Shareertay)

July 30, 2014
Abwaan Abdullahi Shiekh Farax (Abdullahi Kaad) ayaa waxa uu soo gaadhsiiyay Wakaalada wararaka ee Danwaanews.com gabay Cusub oo ...
GUBA

Faallo:Gabaygii oogu Danbeeyay ee Gubada Sadexaad iyo Tusaale iyo Talo Celin Kuwajahan Abwaanada Gabaygan Ka Qayb Qaadanaya

July 27, 2014
Asc  salaan kadib faallo gabaygii ugu danbeeyay guba....... Iyo tusaalayn iyo rayi calin guud ayaan rabaa inaan idinla wadaago ...